SO | EN

SO | EN

Dagaal xooggan oo ka socda Degmadda Beledxaawo Ee Gobolka Gedo

|

Beledxaawo (KAAB TV) – Dagaal ayaa dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu si gaar ah uga socdo xerada UK oo fariisin ay ku leeyihiin Saraakiisha uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ee ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in xaalad dagaal ay ka taagan tahay, halkaasi isla markaasna rasaas la maqlayo.

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalka, iyada oo weli aan la xaqiijin inta uu la eg yahay. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya. Isgaarsiinta magaalada ayaa go’an.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News