Sweden (KAAB TV) – Dowladda Sweden ayaa shaacisay iney xiriirkii dhaqaale u jartay rajiimka Israel sababo la xiriira xasuuqa gaajeysiinta ay ka wado marinka Gaza, iyadoo talaabadan ay timid kaddib markii dibed baxyo ka dhan ah Israel ka dhaceen dalkaas.
Sidoo kale, Xamaas ayaa sheegtay in 91 qof la dilay iyaga oo gargaar ka raadinaya gudaha Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas ay maamusho.
Dhanka kale, Wargalintoodii u dambaysay, wasaaradda ayaa lagu sheegay in guud ahaan 111 qof la dilay 24-tii saac ee la soo dhaafay, halka 820 qof oo dheeraad ah ayaa la dhaawacay.
Tani ayaa ka dhigeysa tirada guud ee dadka lagu dilay gudaha Qaza tan iyo intii uu bilowday weerarka Israa’iil ee marinka Qaza, ee jawaabta u ahaa weerarkii Xamaas ee 7dii Oktoobar 2023, ilaa 60,249 qof sida ay wasaaradu sheegtay.
Ugudambeyn, Qoraal kale oo ay wasaaradu soo saartay ayey ku sheegay in 2 qof ay u dhinteen nafaqo daro maalintii la soo dhaafay, taasoo oo ka dhigaysa tirada dadka u dhintay dhacdooyinka la xiriira gaajada tan iyo intii uu bilowday dagaalka ilaa 159.

