Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la furi doono waddooyinka xiran ee caasimadda, si culeyska looga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Mungaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir iyo Xukumadda Federaalka iska kaashanayaan qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada.
“Si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha waxaa dib loo furi doonaa waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab.

