Muqdisho (KAAB TV) -Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si adag u beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta oo sheegaya in askartooda lagu dilay deegaanka Bariire, oo ku yaalla Koonfur-galbeed ee caasimadda Muqdisho.
Iyada oo ka jawaabaysa sheegashada Al Shabaab ee ku saabsan burburinta gaadiidka gaashaaman ee AU-du leedahay iyo dib u gurashada ciidamada AUSSOM ka dib dagaallo culus, AUSSOM waxay doonaysaa in ay caddayso in ciidamadeeda oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ay bilaabeen weerar culus oo ay dib ugu qabsanayaan deegaanka Bariire 1-dii Agoosto.
Howlgalladan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, halka tiro kalena ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen.
“Ciidamada AUSSOM iyo kuwa SNAF waxaa ka go’an in ay dib u qabsadaan magaalada Bariire iyo deegaanada kale ee ay wali gacanta ku hayaan Al Shabaab si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amaanka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire El Hadji Ibrahima Diene, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC).

