Beledxaawo (KAAB TV) – Taliyaha Nisa ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ee dhowaan dowladda Soomaaliya halkaasi u magacowday ayaa maanta ciidamada dowladda halkaasi jooga kula dar daarmay in aysan askarta amar la’aan xabad ridi karin.
Sidoo kale, Cabdirashiid janan ayaa askarta usheegay in xabada kaliya ay ridi karaan ay tahay mid cadow, cidii amar la’aan iyo mid cadow an eheen xabad kuridaa ayaa sheegay in lala xisaabtami doono.

