GAALKACYO (Kaab TV) – Gabar 8 jir ah ayaa la xaqiijiyay in la dilay ka dib markii lagu kufsaday gudaha degmada Cadaado, ee gobolka Galgaduud oo ka tirsan Galmudug.
Booliska ayaa sheegay in gabadha yar lagu magacaabo Maryan Shaafici Badal.
Meydka ayaa la sheegay in laga heley calaamado kufsi muujinaya.
Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay dadka deegaanka Cadaado iyo guud ahaan maamulka Galmudug.
Booliska Cadaado ayaa sheegay inay hadda hayaan dhowr rag ah oo lagu tuhmaayo inay falkaan ka dambeeyeen, laguna wado baaritaan.

