BOOSAASO (Kaab TV) – Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay sii daysay markabka MV Sea World, oo wata calanka waddanka Komoros, kaasoo bishii la soo dhaafay laga qabtay xeebaha Puntland.
War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.
Waxaa shalay magaalada Boosaaso gaaray Danjiraha Turkey ee Muqdisho, Alper Aktaş, iyo saraakiil militari oo Safaaradda Turkey ee Muqdisho ka socday.
Safiirka Turkey ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda markabkan oo ay Puntland gacanta ku hayso.

