SO | EN

SO | EN

Dowladda Hindiya oo si adag uga hadashay go’aan kasoo baxay Trump

|

Delhi (KAAB TV) – Madaxweynaha Mareykan Donald Trump ayaa saxiixay amar fulineed cusub oo lagu soo rogay canshuur dheeri ah oo gaareysa 25% oo lagu beegsanayo badeecooyinka laga keeno dalka Hindiya.

Sidoo kale, Talaabadan ayuu ku sheegay ciqaab ay Hindiya ku mudataysatay kaddib markii ay sii wadday iibsashada shidaalka Ruushka.

“Haddii ay Hindiya rabto xiriir dhaqaale oo dhow oo ay nala yeelato, waa inay si dhab ah u muujisaa saaxiibtinimo, Ma ahan mid la aqbali karo in ay si joogto ah u iibsato shidaalka Ruushka, taas oo si toos ah u taageeraysa miisaaniyadda dagaalka ee Putin.” ayuu yiri Trump.

Sikastaba, go’aankan kaddib wax badan ma qaadan inay Hindiya ka falceliso, iyadoo warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya, lagu sheegay go’aan sharci darro ah oo aan la aqbali karin canshuurta dheeraadka ah ee Trump uu soo saaray balse waxay Hindiya caddeysay inaysan ka soo laaban doonin halka ay joogta oo wax walba ka hormarin doonto danaheeda, isla markaana tallaabooyinka ku habboon qaadi doonto si looga hortaggo canshuurta Trump.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News