Muqdisho (Kaab TV) – Faahaafhino dheeraad ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta iyo xalay ay ka sameeyen ciidamada dowladda gaar ahaan Boliiska oo ay ka sameeyen degmooyinka Wadajir iyo dharkenley ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo kaashanayaa kuwa Boolis Militare ayaa howlgal kan lamid ah ka sameeyay degmada Dharkenley, waxaana lagu soo qabtay maan-dooriye iyo nin kale oo eedeysane ah oo la sheegay inuu ka ganacsanayay, kaas oo uu isna taliska boolisku sheegay in la horgeyn doono maxkamadd, si looga qaado tallaabo adag.
29/04/2023 Abaaro 22;30 pm, ciidanka booliska qeybta Galbeed iyo ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah kusoo qab qabtay maandooriye tira badan oo xashiish iyo nin Eedeysane ah oo lagu magacaabo C/qaadir C/llaahi Axmed waxaana gacanta kuhaya ciidanka boliiska gobolka Banaadir.
Qofkii arko arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991” aya lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka boliiska gobolka Banaadir.
Sidoo kale wuxuu talisku farriin u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan la dagaalanka maan-dooriyaha oo haatan si dardar leh uga socdo gudaha caasimada, gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.