Garoowe (KAAB TV) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa eedeyn culus ujeediyay DF Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay in ay dib udhigtay doorashooyinkii maamul goboleedyadda sigaar ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Lugatoor ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ku joogaan sharci darro, iyadoo laga duulaayo rabitaanka madaxda DF Soomaaliya ee ah in iyadana markii uu dhammaado muddo xileedkeeda saxda ay rabto in ay kusii joogto sharci darro, isagoona xusay in maamulka kaliya ee heysta muddo xileedka saxda ah uu yahay maamulka Hirshabeelle.
“Doorashadii dowlad goboleedayada DFS ayaa ragaadisay, Hirshabeelle oo kaliya ayaa Muddo xileedkeedu ka dhamaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed DFS ayaa gacanta ka haysa si cudur daar ugu hesho marka muddo xileedka DFS dhamaado sharci la’aan ku joogto.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Dhanka kale, hadalkan madaxweyne Lugatoor ayaa kusoo beegmaya xili uu muran baahsan hareeyay arrimaha doorashooyin DFS, iyo khilaafkan xooggan ee ka dhexeeyo Puntland iyo DFS oo haatan maraya meeshii ugu xumeed.
Sikastaba, guud ahaanba dalka waxaa ka taagan marxalad siyaasadeed oo cakiran, oo sababtay arrimaha doorashooyinka, iyadoo maanta ay markale kulan xasaasi ah ku leeyihiin Villa Somalia madaxweyne Xasan Sheekh iyo madasha samatabixinta mucaaradka, oo looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka sidii xalwaara looga gaari lahaa.

