SO | EN

SO | EN

Madasha samatabixinta mucaaradka iyo MW Xasan Sheekh oo markale kulmaya maanta

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa lafilayaa in maanta kulan xasaasi ah ay mar kale yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samatabixinta mucaaradka oo diiradda lagu saarayo marxaladda adag ee dalka uu ku jiro & khilaafaadka taagan.

Sidoo kale, madasha samatabixinta mucaaradka oo uu hoggaaminaayo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ay tagi doonaan Villa Somalia halkaas oo uu ku qaabili doono madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa siyaasada oo uu ugu horeeyo Reysal kuxigeenka labaad Saalax Axmed Jaamac.
Dhanka kale, ajandaha uguweyn ee shirka maanta lafilaayo in uu ka furmo Villa Somalia ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo qodobadii Dastuurka ee wax ka badalka uu ku sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo kulankii hore ay isla qaateen madaxda mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, si loogu heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta 2026.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News