SO | EN

SO | EN

Dadweynaha Muqdisho oo ka falceliyay waddada la furay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya, ayaa sanado kaddib dib u furtay waddada ka baxda Isgoyska Tarabuunka ee aadda Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, wadadaasi ayaana aheyd sanado badan mid aysan gaadiidka iyo sidoo kale mootooynka isticmaalin.

Sidoo kale, Furitaanka wadadan ayaa keentay cariiri iyo jaam badan oo lala mari waayay isgooska Tarabuunka, maadaama gaari iyo mooto kasta waajib ku aheyd in uu maro isgooska Tarabuunka oo xiliyada qaar jaam dartiis saacado dadka ku qaadaneysay in ay ka gudbaan.

Dhanka kale, darawalada gaadiidka mooto bajaajta iyo dadweynaha caadiga ah ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay in dib loo furo wadadaasi, waxa ayna sheegeen in cariirigii badan ay ka jiray magaalada uu hadda kala yaraanayo maadama wadadan dib loo furay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News