Xaafuun (KAAB TV) – Kalluumeysatada degmada Xaafuun ee gobolka Bari, ayaa si weyn uga cabanaya maraakiib iyo doonyo jariif ah, oo la sheegay in ay shati kalluumyesi siisay xukuumadda madaxweyne Deni.
Sidoo kale, qaar kamid ah Kalluumeysatada xeebaha degmada Xaafuun ayaa cabasho xooggan ka muujiyay maraakiib iyo doonyo jariif oo ay wakiilo ka yihiin xubno kamid ah saaxiibada iyo Qoyska madaxweyne Deni islamarkaana shati kalluumeysi ka haysta xukuumadda Puntland.
Dhanka kale, Kalluumaysatada ayaa sheegaya in maraakiibtaas ay saaran-yihiin, ayna ilaalinayaan rag Soomaali ah oo hubaysan, waxayna taagan yihiin meelihii kaluumaysatada maxaliga ah ay ka kaluumaysan-jireen, taasi oo saamayn taban ku yeelatay danyartii noloshoodu ku tiirsanayd badda.
Ugudambeyn, in ka badan 30 shabakadood oo ay lee yihiin kalluumeysatada maxalliga ah ayaa waxa sidoo kale burburiyay maraakiibta jariifka ah, saaxiimadii ama doontii u dhawaatada maraakiibta ayaa la rasaasaynayaa. xaalad nololeed ayaa markan soo food saartay Kalluumeystada maxalliga ah ee xeebaha degmada Xaafuun.

