MUQDISHO (Kaab TV) – Qoraal wadajir ah oo naxdin leh, saddex madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud boobka dhulalka dadweynaha, iyaga oo uga digay in ay ka dhalan karaan cawaaqib haddii ay arrintan sii socoto.
Madaxweynayaashii hore — Cabdiqaasim Salaad Xasan, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo — ayaa ku baaqay in dhammaan dhulalka si sharci-darro ah loo boobay dib loogu celiyo dowladda.
Waxay si cad uga dalbadeen Xasan Sheekh Maxamuud inuu:
1.Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
2.In dib u dajin loo sameeyo dadka la bara kiciyay, xaq dastuuri ahna u leeyihiin in ay helaan deegaan.
3.in dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.
Ugu dambayn, waxay saddexda madaxweyne hore uga digeen ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah “in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka laad ee Dastuurka Dalka.”


