SO | EN

SO | EN

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Sayniska iyo Tiknoolajiyadda.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News