SO | EN

SO | EN

Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble: “Waxaa muuqata khatar ah in la qabto doorasho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya Somaliland iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, isagoo aad u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh iyo muddo kororsiga uu u sameeyey dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Rooble ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey in uu burburinayo maamulka Somaliland, isagoo meesha ka saaray wadahadalladii socday, sidoo kale wuxuu sheegay in horay uu u diiday in wax cilaaqaad ah uu la yeesho dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

“Waad u jeedaan xaalka Somaliland maanta meesha uu marayo, walaalaheen shalay iyaga ayaa calanka iyo midnimada keenay, laakiin maanta waxay la’yihiin cid tabashadooda kala fariisata, taas bedelkeeda waxaa loogu hanjabayaa in la burburi doono,” ayuu yiri Rooble.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News