Ciidanka Xoogga Dalka iyo odayaasha dhaqanka oo ka hadlay Amniga Degmada Ceeldheer

|

Ceeldheer(KAAB TV) – Saraakiisha ciidamada XDS ayaa kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen degmada Ceeldheer kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka, iyagoo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Kulankaan ayaa yimid kadib dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanka Hul-Caduur oo hoostaga degmada Ceeldheer. Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in heshiis dib u heshiisiin ah laga dhex sameeyay dhinacyadii dagaalamay, iyadoo madax dhaqameedka ay kaalin weyn ka qaateen nabadeynta.

“Waxaa naga go’an inaan xaqiijinno nabadda iyo amniga mustaqbalka fog ee aagga,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada. “Wadahadalka maanta wuxuu ka tarjumayaa iskaashiga dhow ee ka dhexeeya ciidamada qalabka sida iyo bulshada.”

Madax-dhaqameedka ayaa ballan-qaaday inay si buuxda u garab istaagi doonaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, iyagoo ballan-qaaday inay sii xoojinayaan dadaallada nabadeed, isla markaana ay ilaalin doonaan nidaamka iyo kala dambeynta deegaannadooda.

Baaq wada jir ah oo ay soo saareen saraakiisha ciidamada XDS iyo kuwa amniga deegaanka ayaa ku booriyay odayaasha in ay gacan ka geystaan ​​howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee loo yaqaano Khawaarijka ee ka socda bariga gobolka Galgaduud, halkaasoo todobaadyadii la soo dhaafay ay sii xoogeysteen weerarada ay ciidamadu ku qaadaan.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ku doonayaan in lagu xasiliyo gobolka Galgaduud, halkaasoo dhaqdhaqaaqyada fallaagada ay weli khatar ku yihiin nabadda gobolka. Kulamo badan oo ka-qaybgal bulsho ayaa la filayaa tuulooyinka ku xeeran maalmaha soo socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News