Gaalkacyo (KAAB TV) – Maxkamadda Ciidanka ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo horey loogu helay falal aay kamid yihiin dilal qorsheysan iyo weerarro ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Labada nin ee lagu kala magacaabo Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaan “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidow ayaa lagu toogtay magaalada Gaalkacyo kadib markii ay ku xukuntay dil toogasho ah Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Xukunka dilka ayaa daba socday dhamaystirka dhammaan heerarka racfaanka, sida ay saraakiishu sheegeen.
Maxkamadda ayaa labadan qof ku heshay dambiyada ah in ay abaabuleen oo ay fuliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro gaadmo ah oo lala beegsaday odayaasha deegaanka iyo dadka caanka ah ee ku howlan dadaallada nabadeynta ee gobolka Mudug.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadka la xukumay ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab ee ku takhasusay qaraxyada iyo howlgallada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ee ka socda gobolka Sh/dhexe.
Baaritaannada ayaa soo bandhigay “caddayn cad” oo ku saabsan ku lug lahaanshaha tooska ah ee weerarrada sababay “khasaare naf iyo maal,” sida ay sheegtay maxkamadda milatariga.
“Foojinta xukunkan waa qeyb ka mid ah dadaallada socda ee dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ay ku doonayaan in nabadda lagu soo celiyo, cadaaladdana loo sugo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada ayaa intaa ku daray in dilalka noocaan oo kale ah ay fariin adag u tahay kooxaha mintidka ah iyo cid kasta oo gacan siinaya dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee Soomaaliya.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xustay in muddooyinkan dambe ay kordhisay fulinta xukunnada dilka ah ee lagu fulinayo ragga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu helo dambiyada culus, taasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka cadaaladda iyo ka hortagga weerarada mustaqbalka.

