SO | EN

SO | EN

Puntland iyo Jubbaland oo si buuxda u taageeray go’aanka mucaaradka

|

GAROWE (Kaab TV) – Puntland iyo Jubbaland ayaa si gooni-gooni ah u soo saaray bayaan adag, iyaga oo xoojinaya bayaan ay soo saareen Golaha Mucaaradka ee Soomaaliya.

Waxay sheegeen in muddada xilka ee Xasan Sheekh Maxamuud ay ku egyahay 15ka May 2026, waxayna muujiyeen walaac ku saabsan jihada ay Soomaaliya ku socoto.

Jubbaland iyo Puntland labaduba waxay ku adkeysteen in kaliya heshiisku uu ka badbaadin karo Soomaaliya guuldarro, iyaga oo ka digay go’aan qaadasho hal dhinac ah.

Waxay ku celceliyeen mowqifkoodii hore ee ahaa in isbeddelada lagu sameeyey dastuurka iyo magacaabista guddiga doorashooyinka ee Xasan Sheekh Maxamuud aysan sharci ahayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News