GABILEY (Kaab TV) – Booliska Somaliland ee degmada Gabiley ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay dil toogasho ah oo uu dhawaan u geystay sarkaal Itoobiyaan ah, kaddibna ka soo baxsaday dhanka Somaliland.
Booliska ayaa sheegay in ninkaasi la qabtay saddex maalmood kaddib markii ay bilaabeen baadi-goob iyo hawlgallo amni.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Musafe Mahdi Daheeye ayaa markii hore baxsaday, waxaana dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku wargelisay Somaliland xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqiisa.
Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u gudbisay codsi ku saabsan in loo soo wareejiyo eedeysanaha, iyadoo labada dal ay leeyihiin heshiis wada shaqeyn amni iyo iskaashi ku saabsan la-dagaallanka dambiyada.
Hawlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay booliska degmada Gabiley iyo kuwa Wajaale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga gobolka.

