KISMAAYO (Kaab TV) – Howlgal ballaaran oo socday muddo toban cisho ah ayaa lagu soo galay deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Sare Nuur Mahad Xasan, iyo Ku-simaha Taliyaha ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, G/Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay xarumo iyo deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al Shabaab, iyadoo la xaqiijiyay amniga tuulooyin ku yaalla hareeraha wabiga Jubba, gaar ahaan Sanguuni, Muusa Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeeni.
Deegaanadan ayaa u teedsan degmada Jamaame ee Jubbada Hoose oo ah degmo muhiim ah, haatanna ay ka taliyaan Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyay deegaannada Jiibey, Malaaley, Janaale Jaay iyo Soo Mareey, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab, tiro kalena lagu dhaawacay. Intaa waxaa dheer, waxay fashiliyeen miinooyin badan oo lagu talagalay in lagu waxyeelleeyo dadka shacabka ah.

Geesta kale, waxaa dib loo furay qeybo ka mid ah waddooyinka ay dhirta badani xiratay kaddib fatahaadihii, iyadoo la hirgeliyay fariisimo ciidan cusub oo laga maamuli doono howlgalada socda.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku ruqaansaday deegaanno hor leh oo ay horey gacanta ugu hayeen Al Shabaab.

Howlgalka waxaa iska kaashaday ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guutada gaarka ah ee Danab, halka ay taageero cirka ah ka geysteen saaxiibada caalamiga ah ee AFRICOM.
Waxaa sidoo kale jiray duqeymo dhowr ah oo ay sameeyeen diyaaradaha AFRICOM oo lagu bartilmaameedsaday xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi isugu urursanaa.



