SO | EN

SO | EN

DEG DEG R/ Wasaare Xamze oo Magacaabay Xubno Wasiiro ah

|

Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamze Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

Wareegto kasoo baxday xafiiska R/Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa waxaa Mudane Cabdikariin Cabdow Xaydar loogu magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

R/Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Mudane Axmed Jaamac Cumar u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

R/Wasaaruhu markuu arkay:

Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay:

Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday:

Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Xamze Cabdi Bare ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Hoos ka daawo Sawirada wasiiradii lamagacaabay

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News