MOGADISHU (KAAB TV) –Askartii ku dhaawacantay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo.
Askarta dhaawaca ah ayaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana isla markiiba la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Xoogga, halkaasoo lagu daweynayo dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalladii xoogganaa.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa si taxadar leh uga shaqeynaya sidii ay u hubin lahaayeen in dhammaan askarta dhaawacantay ay helaan daryeelka lagama maarmaanka u ah soo kabashadooda.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan hoggaanka sare ee ciidamada ayaa booqday xarumaha caafimaadka Waxa ay u duceeyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay garab istaagga ciidamada xilligan adag.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dagaalkii dhawaan ka dhacay Ceeldheer, iyadoo sheegtay in dagaalkaas ay ku dhinteen 6 askari, afar iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Dhacdadan ayaa muujineysa dhibaatooyinka joogtada ah ee ay la kulmaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku guda jira howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee kala duwan.
War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayay ku tilmaantay in howlgallada adag ay horseedeen in lagu dilay dhowr maleeshiyo sida la sheegay
“In ka badan 30 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab waa la dilay, waxaana gacanta lagu dhigay taliyayaal sare kadib markii ciidamada DANAB iyo kuwa deegaanka ay iska caabiyeen weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud”
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa la filayaa in maanta ay booqdaan askarta dhaawaca ah. Waxaa la arkayay ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa madaxtooyada iyo ciidamo gaar ah oo ku sugan agagaarka Isbitaalka Xoogga, taasoo muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha ciidankeeda inta lagu jiro xiisadda.

