SO | EN

SO | EN

Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaanka Raaskambooni

|

Jubbada Hoose (KAAB TV) – Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa howlgallo baaritaano ah waxa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga deegaanka Raaskambooni, oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay cutubyo ka tirsan ciidanka loo yaqaan Hanqadh, kuwaasi oo booqday tuulooyin dhowr ah oo hoostaga Raaskambooni. Intii ay howlgalka ku guda jireen ayaa la sheegay in ay soo heleen dawooyin iyo waxyaabo kale oo la sheegay in ay ka tageen Al-Shabaab.

Sida uu sheegay taliska guud ee ciidamada nabadsugida Jubaland ujeedada koowaad ee howlgalkan ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa weeraro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku beegsanayaan fariisimaha iyo goobaha kale ee ku yaala Raaskambooni.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Nabad Sugida Qaranka Jubbaland waxa ay si dhaq dhaqaaq ah uga wadeen deegaano ka tirsan gobalada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in talaabooyinka horusocodka ah ay muujinayaan sida ay Jubaland uga go’an tahay sare u qaadida amniga iyo ka hortagga qataraha Al-Shabaab, si ay u sugaan amniga shacabkeeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News