SO | EN

SO | EN

Madaxda Carabta & kuwa Dalalka Islaamka oo maanta ku kulmaya Magaalada Dooxa

|

Dooxa (KAAB TV) –Magaalada Dooxa xarunta Dalka Qadar oo Todobaadkii hore ay weerar ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa maanta ka dhacaya shir muddo oo u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Carabta.

Shirkaan waxaa si wadajir ah loo cambaarayn doonnaa weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Magaalada Dooxa xarunta Qadar, waxaa xigidoona in ay go’aan adag ka qaataan haddii markale uu dhaco weerar kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah Madaxda ka qaybgalaysa Shirkaan, Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalalka cambaareeyay weerarkaas sraa’iil ay ku qaaday Magaalada Dooxa xarunta Dalka Qadar iyada oo sheegtay in ay garab taagan tahay Xukuumadda Dooxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna Madaxda Dalka Qadar iyo mas’uuliyiinta kale ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Dalalka Islaamka ee maanta ku kulmaya Magaalada Dooxa xarunta Dalka Qadar

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News