SO | EN

SO | EN

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Amiirka Qadar?

|

Dooxa (KAAB TV) –Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Dooxa kula yeeshay Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga, siyaasadda. Sidoo kale dhinacyada ayaa iska xog warreystay weerarka ay ISRL ka fulisay gudaha magaalada Dooxa.

Madaxwayne Xasan Shiikh ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qadar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xadgubo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qadar.

Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qadar, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoadadheer ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxda kala duwan oo ka socda dalalka Carabta ayaa ku sugan dalka Qadar, halkaasi oo ay uga hadlayaan weerarka Israa’iil, iyagoo bayaan wadajir ah soo saari doona.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News