SO | EN

SO | EN

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoos taga Shabeellaha Hoose

|

Shabeellaha Hoose(KAAB TV) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaannada Lambar Konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay ku guulaysteen soo saarista walxaha qarxa oo lagu aasay wadada dheer ee ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa looga hortagay weerar lagu qaadi lahaa dadka rayidka ah ee ku socdaalayay wadada mashquulka badan.

Taliyaha guutada 143-aad ee guutada 14-ka October G/sare Cali Mahdi Cabdi Beerdide ayaa sheegay in miinada ay si nabad gelyo ah u soo saareen, isla markaana ay dhex dhexaad ka noqdeen, isla markaana ay shacabka deegaanka ka badbaadiyeen dhibaato.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeelaha Hoose, iyagoo si dhow ula shaqeynaya bulshada deegaanka si loo burburiyo shabakadaha maleeshiyaadka.

Todobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka, ayaa xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga guud ahaan dhowr dowladood oo xubnaha ka ah federaalka, sida Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu wiiqayo joogitaanka Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News