MOGADISHU (KAAB TV) –Waxaa kacsanaan ah laga dareemayaa cawaa Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir , halkaas laga cabsi qabo in ciidmada dowlada ay ka bilaabaan barakicin qeybo ka mid ah degmada Dayniile, waxaa laga dareemaya xiisad culus sida dadka deegaanka u sheegeen warbaahinta.
Xiisadda ayaa ka dhalatay barakicin laga cabsi qabo in lagu sameynayo shacabka deggan Degmada Dayniile ,waxayna shacabku ka biyo diideen inay ka baxaan dhulkaasi ayuu riri mid ka mid ah dadka deegaanka, Wararka ayaa sheegaya in haatan ay xaaladdu kasii dartay.
Ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Xildhibaan Jacfar oo wata hub Culus ayaa Fuulay dabaqyada ku hareereysan Xaafadaha la rabo in la burburiyo,waxaa Sidookale ku sugan goobta Gaashaanle dhexe Geylac iyo Ciidamo Maleeshiyaad ah oo uu wato sida ay sheegayaan ilo xoggo gaal ah.
Xildhibaan Jacfar ayaa la sheegay inuu hadda Nayroobi jiro uuna amray in wixi hub iyo Ciidan gurigiisa joogay la geeyo Dayniile laguna difaaco dhulkaas.
ila iyo hada majiraano wax war ah oo ka soo baxay madaxda dowlada soomaaliya ugu sareysa inkaastoo la tilmaamay in madaxda qaar kood ay qeyb ka yihin Barakicinta dadka ku nool magaalada muqdisho.

