New York (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Magaalada New York xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay dhiggiisa Serbia Marko Đurić oo ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira diblumaasiyadda.
Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskaan uu xoogga saarayo sidii Serbia ay dhiggeeda uga caawin lahayd Akadeemiyada Diblumaasiyadda & Machadka Daraasaadka.
Heshiiskaan waxa uu qeexayaa in Serbia ay Soomaaliya ka gacansiinayso tababarka diblumaasiyadda iyo kartida dhisidda aqooneed oo muhiimad gaar ah u leh howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida hadalka loo dhigay.
Dowladaha Soomaaliya & Serbia waxa ay horay u kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan sida Caafimaadka, Militariga, Amniga & kuwo kale, Xukuumadda Muqdisho ayaa dhiggeeda Belgrade uga faa’iidaysanaysa waaya-aragnimadeeda.

