SO | EN

SO | EN

DF oo sii daysay xubnihii beesha Waceysle ee la xiray

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Waxaa xoriyadooda dib u helay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, kuwaas oo saacado ku xirnaa Saldhigga Booliska degmada Xamar Weyne, kadib markii ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

Mas’uuliyiintan, oo ka soo jeeda beesha Waceysle, ayaa lagu qabtay agagaarka Hotel Global ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa Cali Xaaji Iimaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii daynta uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News