MOGADISHU (KAAB TV) –Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka Dibadbax uu iclaamiyay mucaaradka in uu ka dhaco Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir kaas oo si toos ah uga hor timid Dowladda Federaalka kuna tilmaamay in uu yahay mid sharci darro ah.
Xubnaha Mucaaradka ayaa bannaanbaxooda ku beegay berri oo sabti ah, waxaa Caasimadda lagu dhex arkayaa ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka oo lagu xoojiyay goobaha ay isaga kala gudbaan Gaadiidka si ay uga hortagaan isusoobaxaan.
Xukuumadda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ammaanka ayaa si isku mid ah uga hor yimid qabsoomidda dibadbaxa Mucaaradka uu shaaciyay, waxa ay ka digeen saamaynta ka dhalan karta haddii si sharciga dhinac marsan la isku dayo in loo qabto.
Mucaaradka ayaa kulamo uu uga arrinsanayo arrintaan ku leh Magaalada Muqdisho halka Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka dhankooda ay dajiyeen tallaabooyinka looga hortagayo isu soo baxaas mucaaradku gadaal ka riixayo.
Waxaa aad loo hadal hayaa natiijada kasoo bixi karta hadalladaan is diidan ee Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka is dhaafsanayaan haddii ficil loo rogo, dadka Caasimadda ayaa dhegaha u taagaya saamaynta taban ee laga dhaxli karo abaabulka labada dhinac.

