SO | EN

SO | EN

Kulamo looga hadlayo Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ka socda Nairobi

|

Nairobi (KAAb TV) -Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ay kulamo ku yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta Mucaaradka iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulamadaan ayaa looga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubnaha Mucaaradka ayaa Madaxweynaha Jubbaland la wadaagay walaacooda la xiriira doorashooyinka iyo dhammeystirka Dastuurka dalka.

Sida qorshaha ahaa, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la qorsheeyay inuu tago magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Axmed Madoobe. Safarkaasi weli ma xaqiijin Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta la qorsheynaya inuu qabsoomo kulan dhexmari doona qaar kamid ah Xubnaha Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Diblumaasiyiin sare oo ka socda Safaaradaha Mareykanka iyo UK, waxaana looga hadlayaa xaaladda dalka gaar ahaan dagaalka Daacish iyo xallinta khilaafadka siyaasiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News