SO | EN

SO | EN

Soomaaliya oo 148 Muwaadiniin ah ka soo celisay dalka Yemen

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in 148-qof oo Soomaali ah ay kasoo celiso dalka Yemen, taasi oo qeyb ka ah howl-gallada bini’aadantinimo ee lagu caawinayo muwaadiniinta ku dhibaateysan dalka dibadiisa sababo la xiriira colaado iyo xasillooni darro.

Dadka soo laabtay ayaa si nabad gelyo ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, C/salaan Cabdali oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee loo soo gaabiyo NRI.

Dib-u-celinta ayaa lagu fuliyay “isku-xidh dhow oo lala yeeshay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), taasoo ka tarjumaysa sida xooggan ee ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda ku sugan dibadda iyo fududaynta inay si nabad ah dalkooda ugu soo laabtaan.”, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.
Wasiir Cabdali ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladdu ay wali u taagan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd badqabka dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba.

“Howlgalkan wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay taageerto muwaadiniinteeda xilliyada adag,” ayuu yiri Wasiirka.

Soomaaliya waxay si dhow ula shaqaynaysay saaxiibada si ay taageero dib-u-qabasho iyo gargaar bini’aadanti u siiso dadka ka soo laabanaya dalalka ay colaaduhu saameeyeen.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay xoojisay dadaallada lagu caawinayo muwaadiniinteeda ay ku dhufteen xasaradaha gobolka oo ay ka mid yihiin dib u celinta abaabulan ee laga soo celinayo dalal ay ka mid yihiin Suudaan, Liibiya iyo Yemen.

NCRI waxay xaqiijisay in kooxdii ugu dambeysay ee soo laabatay ay heli doonaan taageero bini’aadanimo oo degdeg ah, oo ay ku jiraan hoy ku meel gaar ah, adeegyo caafimaad, iyo la-talin, taasoo qayb ka ah habka dib u dhex-galka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News