CEERIGAABO (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa ku guuleystay inuu soo afmeero gogol nabadeed oo laga hirgaliyay gobolka Sanaag, halkaas oo colaad muddo taagnayd oo u dhexeysa beelaha deegaanka ay sababtay dhimasho iyo barakac badan.
Heshiiskan oo ay horseed ka noqdeen odayaal dhaqameedka beelaha Warsangali iyo Isaaq ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.
Labada hoggaamiye dhaqameed ee kala ah Suldaan Siciid Cabdisalaas oo ah suldaanka guud ee Warsangali iyo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dhoodi oo ah ugaaska guud ee Gadabuursi ayaa wadajir ugala qeyb galay hirgalinta nabadda Sanaag.
Madaxweyne Cirro beryahan ku sugnaa Ceerigaabo ayaa sheegay in heshiiska nabadda Ceerigaabo uu fure u noqon doono fursado maalgashi iyo shaqo abuur.
“Nabaddu waxay inoo fureysaa fursado badan oo maalgashi. Gobolka Sanaag waxaa lagu tiriyaa gobolka ugu kheyraadka badan Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu sheegay in muddadii 10ka bilood ee uu ahaa madaxweynaha Somaliland uu waday sidii shirka nabadda u dhici lahaa, si nabadda loogu soo celiyo gobolka Sanaag.
Beesha Naaleeye Axmed oo loo yeeray
Waxaa heshiiskan ka maqnaa beesha Naaleeye Axmed ee Dhulbahante, hase ahaatee Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay in Beesha Naaleeye Axmed ay gogosha nabaddu u furan tahay 24 saac, lana sugaayo.
“Naaleeye Axmed Ceerigaabo way sugeysaa, ana waan sugayaa, Somaliland-na way sugeysaa. Waxaa la idinla taagan yahay caleemo qoyan,” ayuu yiri Cirro.
Cirro wuxuu baaq kale u diray dadka Laascaanood isagoo sheegay in Somalilan ay rajeyneyso inay aqoonsi heer caalamiya hesho, sidaa darteedna ay tahay inaysan dadka reer Laascaanood ka harin.
KAALINTA PUNTLAND
Madaxweyne Cirro wuxuu qiray kaalintii Puntland ka qaadatay hirgelinta nabadda Sanaag, isagoo si gaar ah khudbaddiisa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Bishan horraanteedii ayaa Puntland iyo Somaliland waxay heshiis ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay Puntland taageero ugu muujisay Somaliland nabadeynta Sanaag, iyadoo beesha Warsangali oo degta labada dhinac ay salaadiinteeda kulamo lasoo yeesheen hoggaanka Puntland.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in beesha Warsangali odayaasheeda ay ka hor yimaadeen dhismihii maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaas oo Dowladda Federaalka ee Muqdisho ay si boobsiis ah kaga dhistay Laascaanood.
SAFARADII ITOOBIYA IYO UAE
Madaxweyne Cirro wuxuu Ceerigaabo ka sheegay inuu safarro uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya kasoo hoyey guulo muhiim u ah Somaliland, isagoo ballanqaaday in ka dib nabadda Sanaag laga hirgalin doono deegaanka mashaariic horumarineed.
Wafdiga madaxweyne Cirro waxaa la socday guddoomiye ku xigeennada golaha wakiilada iyo aqalka guurtida Somaliland, iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan, kuwaasi oo ku sii harsanaan doona Ceerigaabo si ay u dhameystiraan hirgalinta barnaamijka nabaddda.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhamaanba maleeshiyo beeleedyadii ka qeyb qaatay colaadda beeleeaha la qarameeyay iyaga iyo hubkooda, isagoo sidoo kale sheegay in dhammaanba dadkii qaxay ay dib ugu soo laaban karaan guryahooda.
Intii ay socotay colaadda Ceerigaabo waxaa lagu qiyaasay inay firxadeed dad gaaraya illaa 50meeyo kun oo shacab ah.

