SO | EN

SO | EN

UAE oo Puntland ka caawineysa magdhowga askartii ku dhimatay dagaalka Daacish

|

GAROWE (Kaab TV) – Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Puntland ka caawineysa bixinta magdhowga askartii ku geeriyootay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish (ISIS-Somalia) kaas oo muddo sannad ka socda buuraleyda Cal-miskaad.

Kaab TV ayaa ogaaday in wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugnaa maalmahan dalka Imaaraadka Carabta ay kala hadleen Dowladda UAE sidii taageero ballaaran loo siin lahaa hawlgalka la dagaalanka Daacish ee Puntland.

Puntland ayaa codsatay in si sare loogu qaado niyadda ciidanka dagaallamaya ee ku jira hawlgalka muddada sannadka socda, in loo baahan yahay in magdhow lasiiyo qoysaska akartii ku geeriyootay dagaalka.

Lama sheegin tirada guud ee askarta ka gaaeriyootay Puntland, laakiin waxaa lagu qiyasaayaa boqoolaal inay dhan yihiin tan iyo markii uu bilawday hawlgalka Hillaac ee ay Puntland ku qaadday fariisimaha kooxda Daacish (ISIS-Somalia).

Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa noo xaqiijiyay in illaa $20,000 la siin doono qoys kasta oo askari uu kaga geeriyooday hawlgalka Hillaac.

Tani waxay noqon kartaa tallaabo ay Puntland ku dhisto kalsoonida ciidanka la dagaallamaya kooxda argagixisada, iyada oo dhowaanahan ay Puntland wajahaysay eedeymo la xiriira inaan daryeel nololeed iyo mid caafimaad la siin askarta ku dhaawacantay dagaalka argagixisada.

Dhanka kale, Puntland ayaa rajeynaysa in UAE ka caawiso mushaharka shaqaalaha dowladda, iyada haatanba UAE ay bixiso mushaharka ciidamada badda ee Puntland ee loo yaqaano PMPF kuwaas oo ay tababareen Imaaraadka.

Puntland ayaa wajahaysay dhaqaale yaraan ka dhalatay kabka miisaaniyadda ee ay bixin jireen beesha caalamka taas oo aysan Puntland helin wax ka badan lixdii sano ee lasoo dhaafay sababo la xiriira khilaafka Puntland kala dhexeeya Dowladda Federaalka ee Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News