SO | EN

SO | EN

Maxkamad Somaliland oo 14 sano ku xukuntay macallin dugsi Quraan kufsi lagu eedeeyay, waxaase ka horjeestay culimada

|

BURCO (Kaab TV) – Maxkamadda Racfaanka ee Togdheer ee Somaliland ayaa xukun xabsi 14 sano ah ku ridday Maxamed Jaamac Xasan oo ahaa macallin dugsi Quraan ku yaalla magaalada Burco.

Eedeysanaha ayaa horey ugu xirnaa xabsiga Burco, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu kufsi u geystay carruur uu u ahaa macallin.

Waxaase eedaha iska diiday Maxamed Jaamac Xasan iyo qareenada isaga difaacayay.

Kiiska oo markii hore soo maray Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa la sheegay in maxkamadduu wax dembi ku weysay, balse xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay taasoo keentay in markii dib loo dhageystay caddeymaha dembigii lagu heley eedeysane Maxamed Jaamac Xasan.

Xukunka Maxkamadda Racfaanka oo soo baxay Isniintii ayaa waxaa soo dhoweeyay qaar ka mid ah waalidiinta ku nool Burco, kuwaas oo sheegay in xukunkani bilaw u yahay la xisaabtanka kuwa u adeegsada shaqada macallinimada Quraanka inay ku geystaan xadgudubyo galmo oo ka dhacda dugsiyada Quraanka iyo goobaha kale ee waxbarashada.

Hase ahaatee waxaa xukunkaasi ka cawday dalladda ay ku mideysan yihiin macallimiinta Quraanka ee Somaliland oo mudaaharaad ka dhigay magaalada Burco.

Dalladdu waxay sheegtay in horey loo eedeeyay illaa siddeed macallimiinta dugsiyada Quraanka ee Burco, hase ahaatee lagu waayay wax eedeyn ah.

“Waxaa socda ol’ole lagu magax xumeynaayo macallimiinta Quraanka ee Somaliland. Macallinka la xukumay waa nin leh labo xaas, kamana suurowdo inuu kufsi ku kaco,” ayuu yiri guddoomiyaha Dalladda.

Dallada culimada ayaa baaq u diray madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyaga oo ka codsaday inuu soo faragaliyo wax ay ku sheegeen “eedeymo halis ku ah amniga iyo sharafka culimada.”

Xeer ilaalinta Somaliland oo kiiska horgeysay maxkamadda ayaan ka hadlin cabashada ay keeneen culimada magaalada Burco.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News