MARKA (Kaab TV) –Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS wuxuu ugu baaqayaa maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose inay u ogolaadaan Idaacadda MarkaFM inay dib u shaqeyso, isla markaana ay joojiyaan hanjabaadaha iyo cadaadiska ay ku hayaan saxafiyiinta.
29kii Nofembar, maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amar ku bixiyay in la xiro idaacadda MarkaFM oo ah idaacad si gaar ah loo leeyahay. Sida uu sheegay aas aasaha iyo maareeyaha idaacadaasi Axmed Cumar, amarka xiritaanka ayaa waxaa bixiyay gudoomiyaha degmada Marka Cismaan Muuse, kadib markii idaacada ay sheegtay in israsaaseyn dhexmartay ciidamo taabacsan gudoomiyaha degmada iyo kuwa la safan taliyaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee magaalada Marka.
Dagaalkan oo dhacay 29kii Nofembar ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ku saabsan xakamaynta lacagaha laga qaado diiwaan gelinta aqoonsiga qaranka (NIRA) ee degmadaas. Shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa dhawaan lagu amray inay iska diiwaan geliyaan aqoonsiga qaranka, waxaana la sheegay in lacago laga qaaday dadka soo dalbaday.
Axmed Cumar, ayaa SJS u sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo idaacad ay cadaadis kala kulmaan maamulka deegaanka. 9kii Nofembar, mas’uuliyiintu waxay la xiriireen shaqaalaha idaacadaha waxayna dalbadeen in meesha laga saaro warka ku saabsan qarax bam oo ka dhacay gudaha maqaayadda kaasoo sababay dhaawacyo dad rayid ah.
Suxufiyiin ku sugan xarunta ayaa SJS u sheegay in maamulku uu marar badan u hanjabay. 29kii Nofembar, Axmed Cumar ayaa SJS u sheegay in uu garaacay gudoomiyaha degmada Marka kadib markii looga yeeray xafiiska gudoomiyaha.
MarkaFM waa idaacada kaliya ee sida gaarka ah loo leeyahay oo ka howlgasha magaalada Marka tan iyo bishii September ee sanadkan. Maareeyaha idaacada ayaa SJS u sheegay in xaruntu ay ka kooban tahay shan shaqaale. Raadiyaha ayaa hawada ka maqan ilaa 29kii Nofembar.
Baaqyo ay SJS u dirtay guddoomiyaha degmada Marka Cismaan Muuse oo ay ku doonayeen in ay sharaxaad uga bixiyaan ayaan looga jawaabin.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa xirnaanshaha Idaacadda MarkaFM iyo caga-jugleynta lagu hayo wariyeyaasha ka howlgala magaalada, in la aamusiyo idaacadda kaliya ee madax bannaan ee ka howlgasha magaalada Marka waa weerar toos ah oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda ay shacabku u leeyihiin in ay war helaan.

