SO | EN

SO | EN

Kooxda Shabaab oo culimo tabliiq ah ku afduubtay Shabeellaha Hoose

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa culimo tabliiq ah oo marayaysan gobolka Shabeellaha Hooe ku afduubtay halkaas iyada oo la soo sheegayo in kooxdu billawday inay dhallinyarada ay qafaashaan qasab ku galiyaan tababar.

In ka badan 10 ruux oo culumada tabliiqa oo ka baxay Muqdishoo ayaa u gacangalay kooxda Shabaabka oo ku sugnaa deegaano u dhexeeya Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose toddobaadkii hore.

Ilo wareedyo deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in kooxda Tabliiqa oo safar ahaa ay Shabaabku kexeysteen ka dibna ay geeyeen meel lagu tababaro dadka ay Shabaabka soo afduubaan.

Waayadan dambe waxay Shabaab kordhiyeen falalka qafaalka dhallinyarada iyo carruurta oo ay si qasab ah ku galiyaan tababar ciidan, iyagoo ka dibna u dira dagaallada.

Ilo wareedyo dhanka sirdoonka ayaa sheegaya in Shabaab ay sidoo kale heleen dhallinyaro ay kasoo qorteen Keenya, Itoobiya kuwaas oo ku biiray malleeshiyaadkooda ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, sida ay dhowaan qortay Qaramada Midoobay waxay Al-Shabaab dhallinyaro illaa 30 ah tababar ugu direen dalka Yemen, ka dib markii xiriir uu dhexmaray Shabaabka iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Shabaab ayaa Xuutiyiinta la sameysanaya iskaashi iyada oo kooxda Shabaab raadineyso tababarrada dhanka diyaaradaha drones-ka ee loo adeegsado weerarada is-qarxinta ah.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan illaa hadda arrinkaan waxba ka sheegin. Waxayse muujineysaa khatarta sii kordheysa ee kooxda Shabaab ku hayaan koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News