SO | EN

SO | EN

Gen Nuur Aadan Nuur oo la taliye u ahaa barnaamijka tababarka ciidamada Soomaaliya ee UAE oo lagu afduubay Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa muddo toddobaad laga joogo la la’ yahay Jeneral Nuur Aadan Nuur oo ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, kaasoo hadda la taliye u ahaa barnaamijka tababarka ciidamada booliska militariga ee ay taageeri jirtay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Ilo wareedyo qoyska jeneraalka ayaa xaqiijiyay in toddobaadkii hore xilli uu Jeneral Nuur Aadan Nuur ka safri lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ay joojiyeen labo sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, kuwaas oo lagu magacaabo Xamdi Xasan iyo Axmed Cabdullaahi Beeryare.

“Jeneralka waxaa la joojiyay isagoo safar ah. Waxaa loo geystay jirdil iyo garaacitaan. Waxaa laga qaatay telefoonkiisa iyo baasaboorkiisa. Markaas ayaan dad ugu war dambeysay,” ayuu yiri qof ku dhow qoyska Jeneraal Nuur Aadan.

Jeneral Nuur Aadan oo kasoo jeeda beesha Harin oo ka tirsan qowmiyadda Raxanweyn ayaa ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, wuxuuna tababarro dhanka xirfadda dagaalka iyo duulinamiada diyaaradaha dagaalka uu ku soo qaatay waddamada Masar iyo ruushka sanadihii 1970meeyadii xilligaas oo dowlad militari ay ka jirtay Soomaaliya.

Wuxuu tan iyo 2018 ahaa la taliye dhanka ciidamada iyo tababarrada oo la shaqeynaayay barnaamijka tababarrada ciidamada ee Soomaaliya iyo UAE.

Bishaan Jannaayo horraanteedi ayay Golaha Wasiirada Soomaaliya baabi;iyeen heshiisyo u dhexeeyay UAE iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan heshiiska tababarrada ciidamada.

UAE waxay mushahar iyo taageero siin jirtay in ka badan 3,800 oo ciidamada boolis-militriga ah kuwaas oo suga amniga magaalada Muqdisho.

Kaab TV ayaa ogaatay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen uu isku dayay inuu galo kiiska Jeneral Nuur Aadan Nuur oo ay isku qabiil yihiin, hase yeeshee waxay iluhu sheegeen inay suuroobi weyday in Jeneral Nuur la soo helo.

Lama yaqaan halka loo kexeystay illaa hadda, mana jiro wax war ah oo hay’adda NISA kasoo baxay oo ku saabsan xaalka afduubka Jeneral Nuur.

Qoyska ayaa ka walaacsan xaalka Jeneral Nuur.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News