SO | EN

SO | EN

Turkey oo duqeyn ku dishay ugu yaraan 12 shacab gobolka Shabeellaha Dhexe

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Diyaaradaha bilaa duuliyaha ee Turkey ayaa Sabtidii shalay [31 Jannaayo] duqeyn ka fuliyay tuulada Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 ruux oo rayid ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa Kaab TV u sheegay in diyaaradaha droneska Turkey ay beegsadeen masaajid xilli salaaddii Casarka la joogo, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 10 ruux, mar dambe labo ruux ayaa dhaawac u dhintay.

Qof deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Kaab TV u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan odayaal.

kaab TV ayaa heshey sawirrada qaar ka mid ah dadka ku dhintay duqeynta.

Hay’adda nabadsugidda ee Soomaaliya, NISA, ayaa sheegtay in duqeyn laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ay ku dhinteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen shacabka tuulada Maxaa Saciid.

kaab TV ayaa heshey sawirrada qaar ka mid ah dadka ku dhintay duqeynta.
kaab TV ayaa heshey sawirrada qaar ka mid ah dadka ku dhintay duqeynta.

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo deegaanada Shabeellaha Dhexe ku dhexmarayeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, iyada oo diyaaradaha Turkey ay dhanka hawada ka taageerayaan ciidanka dowladda.

Al-Shabaab ayaa dhowaan qabsaday deegaanno dhowr oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka mid yihiin Nuur Dugle, Masaajid Cali Gaduud, Maxaa Saciid iyo Jabad Godane.

Toddobaadkii hore ciidamada dowlada ayaa dagaal kula galay Al-Shabaab deegaanka Jabad Godane ee degmada Warsheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News