MUQDISHO (Kaab TV) — Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa ku eedeeyay hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya inay qaateen laaluush dhul ah oo ku yaalla xerada ciidamada cirka ee Afisyooni, isagoo sheegay in dhulkaasi si sharci-darro ah loogu wareejiyay guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Xildhibaan Kooshin wuxuu sheegay in musuqmaasuqa iyo laaluushka ka dhex jira hay’adaha dowliga ah ay gaareen heer aan hore loo arag.
Wuxuu ku dooday in Baarlamaanku uusan hadda lahayn sharciyad uu ku shaqeeyo, maadaama muddadiisii ay dhammaatay 28-kii Janaayo 2026.
Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaal Sabti hor istaagay ajande lagu doonayay in wax looga beddelo dastuurka ku-meel-gaarka ah, isagoo ku tilmaamay waxa hadda ka socda Baarlamaanka “falal ka baxsan sharciga.”
Koshin wuxuu sidoo kale ka digay in beelo gaar ah si ula kac ah looga fogeeynaayo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, taas oo uu sheegay inay khatar ku tahay midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay xildhibaanku, ku dhowaad 40 mudane ayaa laga hor istaagay ka-qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka, taasoo ka horjoogsanaysa inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu si nidaamsan u wiiqayo hay’adaha qaranka, oo uu Baarlamaanku ka mid yahay.
“Arrintani waa masiibo,” ayuu yiri Kooshin, “gaar ahaan xilli uu dalka wajahayo abaar daran iyo dhibaatooyin dhaqaale oo sii xoogeysanaya.”

