SO | EN

SO | EN

Jubaland laguma dhaqi doono Dastuur aan loo dhammayn oo koox gaar ah samaysanayso – War Saxaafadeed

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Jubaland waxay Dowladda Federaalka ah ku eedeysay inay si Mas’uuliyad-darro ah ugu tumanayso Dastuurkii lagu doortay iyadoo wax ka beddelka Dastuurka u maraysa hanaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa wax ka beddelka Dastuurka, taas oo khatar ku ah jiritaanka Dawladnimada iyo Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay in ficiladii u danbeeyay ee ka dhacay Golayaasha Baarlamaanka ay muujinayaan “xilkasnimo-darro weyn iyadoo Xildhibaanada kasoo horjeeda go’aamadan uu dabada ka riixayo Madaxweynaha wakhtigiisu gabagabada yahay ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay naftooda.”

“Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aan Deegaanada iyo shacabka reer Jubaland lagu dhaqi doonin Dastuur aan loo dhammayn oo koox gaar ah samaysanayso, kaas oo aan haysan kalsoonida xubnaha labada gole iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu cadeeyay war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Jubaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News