SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo ciidan cusub u tababareysa Koonfur Galbeed Soomaaliya

|

BAYDHABO (Kaab TV) – Dowladda Itoobiya ayaa bilowday tababarka ciidan cusub oo loogu talagalay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Cutubkan cusub, oo loogu magac daray Ciidanka Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in lagu tababarayo xirfado la xiriira amniga, la dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowliga ah.

Tababarka ayaa ka socda xero ku taalla duleedka magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed iyo meelo ka mid ah Itoobiya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maanta booqday ciidankan cusub ayaa ku dhawaaqay inay ka hawlgali doonaan dhammaan deegaanada Koonfur Galbeed.

“Waxaad difaaci doontaan dowladnimada iyo qaranimada iyo calankaan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu sheegay in kooxda Shabaab ay dhib badan ku hayso deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana looga baahan yahay  ciidanka inay ka sifeeyaan.

Madaxweynaha ayaa amaanay walaalaha Itoobiya oo uu sheegay inay tababarka siinayaan ciidanka cusub.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidankan cusub uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu xoojinayo amniga deegaanada maamulka, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay weli ka jiraan weerarro ay fuliyaan Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer taageero militari iyo tababar siinaysay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ka mid ah dalalka ciidamadoodu ka howlgalaan Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan isbeddello amni iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo ka socda qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Masar oo xiisad adag ay kala dhexeyso Itoobiya ayaa dhowaan sheegtay inay ciidan iyo hub u soo direyso Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News