Warsheekh (Kaab TV) –Deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo walaalo ah, kadib markii ay isku heysteen guddoomiye waaxeed cusub oo dhawaan uu magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, oo uu ku jiro Muuse Xaadoole, oo ah walaalka xildhibaan Cismaan Xaadoole.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in afar ka mid ah ciidamada maleeshiyada uu watay Muuse Xaadoole ay ku dhinteen dagaalka, halka askari kaliya uu ku dhaawacmay dhinaca weerarka lagu qaaday.
Dagaalka ayaa ka dhashay muran maalmihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabista guddoomiyaha waaxda Bashaqle.
Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen, Muuse Xaadoole oo katirsan militariga Soomaaliya ayaa isaga iyo ciidamo kale u ruuqaansaday deegaanka Xagaay-deg, halkaas oo uu joogay Xasan Axmed Xaaji Marshaale, oo dhawaan loo magacaabay xil ka tirsan maamulka Warsheekh.
Ujeedada Muuse Xaadoole ayaa ahayd in la soo qabto Marshaale, hase yeeshee markii ay gaareen goobta, waxaa dhex maray isku dhac hubaysan.
Dagaalka markuu bilaabmayba waxaa la xaqiijiyay Geerida in Muuse Xaadoole ku dhintay goobta, waxaana sidoo kale ku dhintay afar askari oo ka tirsan ciidamada uu watay.
Ciidamo kale ayaa kala dhex galay, waxaana la joojiyey dagaalka, inkastoo xiisadda deegaanka Xagaay-deg ay weli taagan tahay, waxaana jirta cabsi ah in khilaafku dib u qarxo.

