Muxuu dastuurka dalka ka leeyahay faro-gelinta ay DF ku sameysay Koonfur Galbeed?

|

BAYDHABO (Kaab TV) -La wareegista dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Baydhaba iyo magacaabista maamul kumeel-gaar ah ee loo sameeyay Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay doodo dastuuri ah oo xooggan, oo la xiriirta sharciyadda tallaabadaas.

Taageerayaasha dowladda ayaa ay daliilsanaya qodobbo dhowaan wax laga beddelay oo dastuurka ah, halka hoggaamiyeyaasha mucaaradkuna ay ku doodayaan in tallaabadani ay xadgudub ku tahay shuruucda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka labadaba.

Ciidamada dowladda federaalka, oo garab ka helaya ciidamo daacad u ah kooxaha mucaaradka Koonfur Galbeed, ayaa la wareegay gacan-ku-haynta Baydhaba kaddib dagaal ay la galeen ciidamada maamul-goboleedka.

Madaxweynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa is-casilay 30-kii Maarso, wuxuuna markii dambe u safray Nairobi. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa intaas kaddib u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, inuu noqdo madaxa kumeel-gaarka ah ee maamulka.

Faragelintan ayaa dhalisay su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan in dowladda federaalku ay awood sharci u leedahay inay la wareegto maamul-goboleed, soona magacawdo maamul ku meel-gaar ah.

Mukhtaar Maxamed Guuleed, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo taageersan faragelinta, ayaa u sheegay in qodobbada 73 iyo 75 ee dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ay dowladda federaalka u oggolaanayaan inay tallaabo qaaddo xilliyada ay jiraan duruufo gaar ah.

“Dastuurka la beddelay, Qodobka 73-aad, Fiqradiisa Koowaad iyo Qodobka 75-aad, Fiqradiisa Koowaad, waxay u oggolaanayaan in dowladda federaalku ay faragelin sameyso haddii ay jirto halis ku wajahan amniga, badbaadada iyo madax-bannaanida dalka, iyo haddii la dareemo halis ku wajahan dadka deegaannadaas,” ayuu yiri.

Mukhtaar ayaa ku dooday in Koonfur Galbeed ay gashay xaalad xasillooni-darro ah, isagoo tusaale u soo qaatay goosashooyin ka dhacay heer degmo iyo isku-dhacyo hubeysan.

“Waxaa dhashay kacdoon siyaasadeed, mid madani ah iyo mid milateri,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya dhacdooyinkii ka dhacay degmooyinka Buurhakaba, Qansaxdheere, Xudur, Waajid iyo Bardaale, oo ay xigeen dagaalladii ka dhacay Baydhaba.

Wuxuu sheegay in dhacdooyinkaasi ay abuureen xaalado keenay in maamulku uu ku dhawaaqo inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka. Wuxuu intaas raaciyay in Qodobka 73-aad uu oggolaanayo in dowladdu tallaabo qaaddo marka amniga qaranka ama midnimada dhuleed ay halis ku jiraan, iyo marka maamul-goboleedku wajaho xaalado uusan isagu kaligiis xallin karin.

Balse dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa su’aal gelinaya ku-dhaqanka iyo sharcinimada dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ee kiiskan.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka, ayaa ku dooday in sharciyada aan dib loogu dabaqi karin mas’uuliyiin xilka la wareegay kahor inta aan la meel-marin wax-ka-beddelkaas.

“Marka sharci la meel-mariyo oo la beddelo, sharcigaas ma fulin karaan dad xilal hayay kahor maalintaas,” ayuu yiri. “Caalamka meelna kama oggola in ficillo dhacay kahor inta uusan sharci jirin lagu qaado sharcigaas cusub.”

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Ayaa soo saaray warsaxaafadeed xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira maamulkaas.

Illaa 37 xildhibaan oo soo saaray bayaankan ayaa sheegay in xaalado nololeed oo daran ay ka jiraan gobollada Koonfur Galbeed, ayna saameysay abaarta daran ee ka jira dalka.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa xusay in abaarta ay gaartay meeshii ugu xumeyd, ayna saameysay nolosha dadka iyo duunyada.

“Abaaraha daba dheeraaday iyo colaadaha soo noqnoqday ayaa si weyn u wiiqay nolosha bulshada, waxayna burburiyeen ilihii nololeed ee ay dadku ku tiirsanaayeen” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Bulshada ayaa la tacaaleysa cunto yari ba’an iyo biyo la’aan baahsan iyo hoos u dhac wayn oo ku yimid wax soo saarka beeraha iyo xoolaha”.

Baaqayn ayaa sidoo kale si gaar ah u muujinaya in carruurta, haweenka iyo barakacayaasha ay yihiin kuwa ugu nugul, isla markaana loo baahan yahay gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo noloshooda.

Ugu dambeyn waxay xidhibaannadu soo saareen baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka inay si dhaqso ah u gaarsiiyaan gargaar bini’aadannimo deegaannadaas, si ooga jawaabo baahida wayn ee jirta

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo siyaasadeed, kuwa amni, iyadoo oo ay sii dheertahay arrimaha bani’aadanimada, maadaama deegaannada qaar laga soo warinayo abaaro aad u daran.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News