MW Xasan Sheekh & Xubno katirsan Mucaaradka oo ka qaybgalaya Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Faracadde

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,ee waqtigiisa sii dhamanaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Mucaaradka ayaa maanta ka qaybgalaya Caleemasaarka Ugaaska Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka dhacaysa Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Mucaaradka oo aan muddooyinkaan kulmin ama isku arkin munaasabad tan lamid ah ayaa maanta kawada qaybgalaya munaasabadda caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq.

Mas’uuliyiin kale oo Dowladda Federaalka, Duubabka Dhaqanka, Siyaasiyiin iyo marti kale o lagu casuumay ayaa qayb ka ah Munaasabadda Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News