SO | EN

Maxaa loo xiray weriye Bushaaro Baanday?

|

Hargeysa (Kaab TV) – Wariye Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) oo ka mid ah saxafiyiinta qurbejoogta ah ayaa Isniintii lagu xiray magaalada Wajaale xilli ay soo galeysay Somaliland iyadoo ka timid dhanka Itoobiya.

Sida ay sheegayaan saxafiyiinta iyo mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaridka, waxaa saxafiyaddan loo soo wareejiyay magaalada Hargeysa halkaasoo hadda lagu hayo.

Wararka ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah la horgeeyay Maxkamadda Hargeysa, halkaasoo toddobo maalmood oo xabsi ku heyn ah loogu daray.

Booliska ayaa la sheegay inay codsadeen xabsi ku heynta.

Saxafiyaddan Bushaaro Baanday ayaa lagu yaqaanaa warbixinno dhaliil ah oo ay ka sameysay taliska Muuse Biixi ee Somaliland.

Warbixin ay diyaarisay bishii May 2022 ayey Bushaaro ku sifeysay ‘kali talis halis geliyay Somaliland‘.

Xarigeeda ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo ku sugnaa Wajaale oo joojiyay saxafiyadda xilli ay isku dayeysay inay dalka soo gasho.

Jirdil

Mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ee Somaliland ee kala ah Yuusuf Keyse Cabdillaahi iyo xildhibaan Saciid Cabdisamad oo saldhigga dhexe ee Hargeysa ayaa sheegay in wariyaha lagu jirdilay Wajaale markii la qabanayey.

“Markii la qabanayey ayaa nabaro loo geystay. Lugta midig ayey na tustay oo nabaro kaga yaalleen iyo Wajiga anagaa aragnay. Waxay noo sheegtay in markii lagu qabanayey Tog Wajaale loo geystay,” ayuu yiri xoghayaha Waddani Yuusuf Keyse Cabdillaahi.

Xildhibaan Saciid Cabdisamad ayaa sheegay in qabashada wariye Bushaaro ay tahay sharci darro.

“Dowladdan waxay mareysaa halkii u dambeysay. Hablaha la iskama farageliyo,” ayuu sii raaciyay xildhibaanka.

Lama oga goorta la horgeyn doono maxkamadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News