Somaliland oo Sheegtay Inay Qabtay Hub Shisheeye oo Lagu Khalkhalgelinayay Nabadda Awdal iyo Salal

|

Awdal (Kaab TV) -Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la doonayay in lagu kiciyo colaado beeleedyo isla markaana lagu khalkhalgeliyo nabadda gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), oo waraysi siiyay warbaahinta xukuumada, ayaa sheegay in Somaliland ay wajahaysay faragelin dibadeed tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay heshay aqoonsi, taas oo uu sheegay inay sababtay in ay cadow badan yeelato.

Wasiirka ayaa xusay in faragelintaasi ay qaabab kala duwan u dhacday, oo ay ka mid yihiin taageero dhaqaale, dacaayado iyo hub la soo gelinayo gudaha Somaliland. Waxa uu tilmaamay in hay’adaha ammaanku ay gacanta ku hayaan caddeymo la xidhiidha arrimahan, isla markaana wakhtiga ku habboon shacabka loo soo bandhigi doono noocyada hubka iyo waddamada laga keenay.

“Faragelin joogto ah ayaa laynagu hayaa, balse Somaliland indho dheer ayay leedahay, waanu daba soconnaa cid kasta oo ku lug leh. Dad ayaa la xidhay, qaar kalena way baxsadeen, balse waa lagu daba jiraa,” ayuu yidhi wasiirku.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay colaadaha dhawaan ka dhacay gobollada Awdal iyo Salal, isaga oo sheegay in dadka deegaannadaasi ay asal ahaan yihiin dad nabadeed, balse ay jireen gacmo kale oo hurinayay colaadaha.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu qaaday dedaallo ballaadhan oo nabadayn ah, oo uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, taas oo socotay 20-kii maalmood ee ugu horreeyay bishan. Wuxuu intaa ku daray in dadaalladaas ay keeneen in heshiis nabadeed la gaadho.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in la sameeyay hub ka dhigis ballaadhan, isagoo xusay in ilaa 6,000 oo dabley ah iyo qiyaastii 350 baabuur oo tikniko ah laga dhigay hub, isla markaana la geeyay ciidamo sugaya ammaanka gobolladaas.

“Waxaan ku guulaysanay inaan dib u soo celinno nabaddii, anagoo kaashanay shacabka iyo odayaasha labada gobol. Cid abaal noogu sheeganaysana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan ku celcelisay in ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida goboladaas, iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda inay faragelin ku sameyso arrimaha gudaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News