Baaqyo caalami ah oo lagu dalbanaayo xorriyadda Sacdiya Macalin Cali ‘Sacdiyo Bajaaj’

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baqday in deg deg loo siidaayo Sacdiya Macalin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo tan iyo 12 Abriil ku xiran magaalada Muqdisho, loona haysto muujinta aragtideeda darteeda.

“Waxaan ugu baaqaynaa adiga iyo dowladdaada in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiyo Macalin Cali oo loo xiray in ay si nabdoon u soo bandhigtay xuquuqdeeda bani’aadannimo,” ayaa lagu yiri warqad ay dhqdhaqaaq Amnesty International u direen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacdiya Bajaaj waxaa la xiray 12 Abriil ka dib markii ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ay ka qabteen bartamaha magaalada Muqdisho.

Sacdiyo oo ku caanbaxday wadista bajaajta ayaa si weyn u dhaliili jirtay dowlada Xasan Sheekh Maxamuud, si gaar ah arrimaha musuq maasuqa, eexda, iyadoo muuqaallo ay duubtay kuna faafisay baraha bulshada uga hadashay qiime kororka shidaalka iyo sicirka cuntada, arrimahaas oo dhallinyarada bajaajleyda ee Muqdisho ay ka mudaaharaadeen bishii Maarso ee sannadkaan.

Sacdiya Macalin Cali oo ah 27 jir ku shaqeysata Bajaaj isla markaana u ololeysa arrimaha bulshada ayaa xubno ka tirsan hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay 12-kii April ka qabteen degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho. Waxaa markii hore lagu hayay saldhigga booliska ee degmada Xamar Jajab, ka hor intii aan 14-kii April loo gudbin Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay haatan ku xiran tahay. Ma aysan helin qareen metala, qoyskeeduna ma oga dacwad rasmi ah oo laga gudbiyay, balse ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Amnesty International in booliska ay Sacdiyo geeyeen maxkamadda gobolka Banaadir taasoo u oggolaatay xabsi xalaaleyn 90 cisho ah, ayey tiri hay’adda Amnesty International.

“Xarigeeda ayaa salka ku haya in ay si nabdood u soo bandhigtay aragtideeda oo ay ku soo gudbisay baraha bulshada, gaar ahaan Facebook iyo TikTok. Waxyaabaha ay ka hadashay waxaa kamid ah; dhaliil ay u jeedisay dowladda, musuq-maasuq la sheegay inuu ka dhexjiro dowladda, shaqo la’aanta haysata dhalinyarada, eex lagu eedeeyay madaxda sare ee dowladda, canshuuraha badan iyo qiimaha shidaalka ee kordhay. Mid kamid ah muuqaalladeeda ayay ku sheegtay in wixii dhibaato ah oo soo gaarto uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweynaha Soomaaliya,” ayey tiri Amnesty.

JIRDIL

Ilo wareedyo la hadlay Kaab TV oo ka tirsan qoyska Sacdiya Bajaaj ayaa sheegay in ka dib markii ay cod wareysi ah siisay mid ka mid ah idaacadaha maxalliga ee Muqdisho, ayna ku dheegtay in afar maalmood aysan waxba cunin, laguna haayo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay la kulantay ciqaab adag.

Codkaasi ayaa la baahiyay 20 Abriil wuxuuna si weyn ugu faafay baraha internet-ka.

Sacdiya Bajaaj  ayaa markii uu codkaasi baahiyay ka dib la saaray cadaadis dheeraad ah iyadoo loo wareejiyay qolka ciqaabta ee xabsiga oo loo yaqaano ‘qolka dhimashada’ halkaas oo dadka xabsiga ku jira si gaar ah loogu ciqaabo.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in Sacdiyo muddo 48 saac lagu haayay qolkaasi ciqaabta, dharkana laga dhigay, taas oo ay sameeyeen xubno ka mid ah ilaalada xabsiga iyo kuwa dembi baarista oo naloo xaqiijiyay inay xabsiga dhexdiisa ugu hanjabeen.

Ma aha markii koobaad ee Sacdiyo Macalin Cali loo xiray u dhaq-dhaaqidda arrimaha bulshada. Waxaa horay loo xiray 12-kii March kadib markii ay ka qeybgashay dibedbax looga soo horjeedo shidaalka qaaliga noqday. Waxaa la geeyay maxkamad, waxaana la soo daayay afar maalmood kadib. Tani waxa ay muujinaysaa in Sacdiyo loo beegsado si nabdoon u soo bandhigga xuquuqdeeda aadanaha.

Tan iyo bartamihii 2022 markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa Soomaaliya ka dhacay falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xoriyadda hadalka, ka mid noqoshada ururada iyo isu soo baxyada nabdood. Dowladdu waxa ay adeegsatay xariga aan loo meeldayin, maxkamadeyn aan cadaalad ahayn, xabsi, hanjabaad iyo cabsi gelin ay ku aamusinayso weriyayaasha iyo dadka u ololeeya bulshada.

Tan iyo 2025, dowladda ayaa xoojisay iskudayga ay ku xakameynayso oo ay ku faafreebayso weriyayaasha ka warrama arrimaha danta guud, gaar ahaan wararka khuseeya amniga iyo barakicinta shacabka Muqdisho. 16-kii March 2025, wasiirka warfaafinta ayaa mamnuucay in “wax xun laga sheego hawlgallada amni ee ay wadaan ciidamada dowladda” ama “warar been ah laga faafiya howlgallada amniga ah ee ay fuliyaan ciidamada dowladda.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News