Beesha Caalamka oo digniin iyo walaac kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada isla markaana ay ku heshiiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Bayaan wadajir ah oo la soo saaray maanta oo taariikhdu tahay 1-da Juun 2026 ayay saxiixayaashu ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladda hadda jirta ee Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu bilaabaan wada-hadalka, ayna si degdeg ah ugu gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyadoo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto wada-hadallada ay Soomaalidu hoggaaminayso haddii arrintaas la codsado.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku boorrinaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii hurinta xiisadaha,” ayaa lagu daray bayaanka.

Bayaanka waxaa saxiixay safaaradaha Austria, Belgium, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Spain, Sweden iyo Switzerland, Safaaradda Britain ee Muqdisho, Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Baaqa beesha caalamka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan murannada siyaasadeed ee la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News